Cabsi laga qabo in Kooxda Shabaab ay weeraro ka geysato gudaha Mareykanka

0
288

Cabsi laga qabo in Kooxda Shabaab ay weeraro ka geysato gudaha Mareykanka

Saraakiil Mareykan ah ayaa go’aan qar iska tuurnimo ah ku sifeeyay talaabadii madaxweynihii 45-aad ee Mareykanka Donald Trump uu January 2021-kii Soomaaliya uga saaray ciidamada Mareykanka oo howlgal culus ka waday dalkan dhaca geeska Afrika

Taliyaha Ciidamada Mareykanka Afrika ee AFRICOM Gen. Stephen Townsend ayaa si cad u sheegay in xiligan ay korodhay awooda Shabaab, wuxuu a si cad u muijiyay in kooxdan ay xiligan awood u leedahay iney weerar ka fuliso caasomadda Mareykanka ee Washington.

“Waxa aan tuhunsanahay in Al-Shabaab awood u leeyihiin in Mareykanka ay ku bartilmaameedsadaan meel ka baxsan Gobolka xitaa haddii ay ahaan lahayd Mareykanka, Washington si weyn loogama Aaminsano sirdoon ahaan balse dareenkeyga Taliye ahaan waxa uu ii sheegayaa in ay sameyn karaan sidaas” ayuu yiri Taliyaha AFRICOM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here