Burcad-Badeed Soomaali Ah Oo Siidaayay Dad Ay Haysteen Tan Iyo 2015-Kii

0
416

Burcad-Badeed Soomaali Ah Oo Siidaayay Dad Ay Haysteen Tan Iyo 2015-Kii

Saddex bad-maax Iiraaniyiin ah oo ay haysteen Burcad-badeed Soomaali ah tan iyo 2015-kii ayaa laga sii daayey, Sida laga soo xigtay La-taliye sare oo dhanka danbiyada badda ah, kuna sugan Nairobi.

Raggan ayuu sheegey la-taliyuhu in ay dhintaao xooggani soo gaartay tan iyo markii ay gacanta u galeen Burcaddaas, waxaana la sheegay in ay jir ahan ay u dhammaadeen la haystayaashu nafaqo darro darani ay soo wajahday, sidoo kale uu ku dhacay xanuunno kala duwan aa uu ka mid yaahay ‘Gaas-calooleed’ iyo cuduro kale sida la sheegay.

Waxaa la aaminsan yahay in yihiin dadkii ugu danbeeyey ee Burcad-badeed Soomaali ah ay haysatay oo aysan jirin dadkale oo ku jira gacanta Soomaalida badda joogta ee inta badan Maraakiibta iyo doomaha shisheeye Afduubta.

Tan iyo wixii ka danbeeyay sandkii 2008-dii waxaa soo badanayay afduubyada ka dhaca xeebaha Soomaaliya, waxaa tan iyo xiligaas soo shaac baxay kooxo qowlaysato ah oo madax-furasho ka qaata dadka ay gacanta ku dhigaan, waxana xusid mudan in la sameeyay ciidamo heer caalami ah kuwaas oo ka howl gala biyaha Soomaaliya, howlgalka Ciiddanka Badda ee Caalamiga ee Xeebaha Somalia ayaa fadhigiisa ugu weyni waxaa uu yahay dalka Baxrayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here