Boris Johnson iyo Angela Merkel oo si kulul uga hadlay xariga Safiirka UK ee dalka Iiraan

0
475

Boris Johnson iyo Angela Merkel oo si kulul uga hadlay xariga Safiirka UK ee dalka Iiraan

Ra’isul Wasaaraha UK Mr Boris Johnson iyo Chancellor-ka dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa canbaareeyay xariga safiirka Ingariiska u fadhiya caasimada Tehraan.

Labada hogaamiye ayaa warsaxaafadeedkan wadajirka ah soo saaray kadib wadahadal dhexmaray Axada Maanta.

Dhanka kale waxay ka arinsadeen diyaaradii Ukraine oo ay soo rideen iyagoo dhanka kale tilmaamay in xariga diblumaasigan uu yahay mid xadgudub ku ah shuruucda Caalamka.

Jarmalka iyo UK ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ka go,antahay sidii ay iskaga kaashan lahaayeen ilaalinta danaha ay wadaagaan iyo qaabkii looga baaqsan lahaa in Iiraan aysan sameysan hubka wax Gumaada.

Xariga diblumaasigan ayaa yimid kadib markii UK ay dhaleeceysay gantaalkii ciidanka Iiraan ay ku dhufteen diyaarada Ukraine oo ay ku dhinteen 176 ruux oo ahaa shaqaale iyo Rakaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here