Booliiska Soomaaliya oo xiray Nin la sheegay in uu Xaaskiisa ku dilay Toorey
Booliiska Soomaaliya gaar ahaan Saldhigga Degmada Garasbaalay ee gobolka Banaadir ayaa ku guulaystay in uu soo qabto Abshir Sheekh Cabdisalaam Maxamed oo ku eedeysan in uu Toorrey ku dilay Xaaskiisa, waxaana loo gudbiyay xarunta dambi baarista Soomaaliya.
Saldhigga Booliiska Garasbaalay oo la gaarsiiyay xogta kiiskaan ayaa Howlgalka uu sameeyay waxa uu ku guulaystay soo qabashada Abshir oo la marin doonna baaris kaddibna loo gudbin doonna Maxkamad sida Taliska Booliska Gobolka Banaadir uu sheegay.
Ciidanka Booliska ayaa soo bandhigay Abshir oo wata Toorreydii uu adeegsaday dilka Marwadiisa, waxaana loo gudbiyay Laanta dambi baarista Booliiska ee C.I.D. halkaas oo lagu baarayo looga diiwaangelinayo macluumaadka kiiskaan kahor inta aan Maxkamad loo gudbin.
Dhacdooyinka dilalka ah ee ku saabsan Qoyska ayaa ah kuwo marmar dhaca, waxaana inta badan lagu guulaystaa soo qabashada dadka gaysta falalkaas, Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa sheegay in ay ku howlan yihiin xakamayntooda.
Si dhab ah looma ogaan sababta uu Abshir ku dilay Xaaskiisa, waxaana macluumaadka la ogaanayaa marka Maxkamad lasoo taago maadaama hay’adaha baarista u xilsaaran ay ku hayaan baaris iyo waraysi ay ku ogaanayaan xaqiiqada.