Booliiska Soomaaliya oo faah-faahin ka bixiyay Sababta Cabdiweli Muudey looga celiyay Baraawe.

0
278

Booliiska Soomaaliya oo faah-faahin ka bixiyay Sababta Cabdiweli Muudey looga celiyay Baraawe.

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay sababta Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BFS looga celiyay safar uu ku tagi rabay Magaalada Baraawe oo uu yaallo kursigiisa.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in sababta keentay in la baajiyo safarka Muudey ay tahay kaddib markii uu soo watay askar ka badan ilaalada mas’uulka loo ogol yahay.

Cabdifitaax ayaa meesha ka saaray in ay jiri karto duruuf ku qasbi karta in Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BFS uu Muqdisho ka qaato askar badan maadaama Baraawe uu sheegay in ay joogaan ciidan loo diyaariyay ilaalinta nabadgalyada.

“13ka Febaraayo 2022 waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ka dhacay dhacdo yar oo quseysay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Cabdiweli Muudey oo u socday Baraawe oo ay ka dhaceyso Doorashada qaybta labaad ee kuraasta taal” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ka fakiraya mas’uuliyadda Doorashada ayaa saraakiil wanaagsan u xulay nabadgalyada Baraawe, ma jirto sabab keeni karta in ciidan badan loo qaato Magaaladaas, Garoonka Aadan Cadde waxaa lagu baraaruqay Ciidan hub badan wata oo rabo in ay diyaarad raacaan lana ogaaday in ay baraawe tagaan balse Muudey waxaa lagu wargeliyay in keliya loo ogol yahay 5 askari oo waardiye u ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Gaashaanle Cabdifitaax Xasan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here