Booliiska magaalo Mexico ku taalla oo dhammaantood baaritaan lagu hayo

0
703

Booliiska magaalo Mexico ku taalla oo dhammaantood baaritaan lagu hayo

Booliiska ka shaqeeya magaalo xeebeedka loo tamashle tago ee Acapulco ee dalka Mexico ayaa dhammaantood baaritaan lagu hayaa iyadoo looga shakisan yahay in ay ku milmeen kooxo dambiile yaal ah.

Ciidammada badda ayaa isku gadaamay xarumihii booliiska waxayna hubka ka dhigeen 700 oo askari.

Booliiska faderaalka iyo milatariga ayaa hadda gaaf wareegaya magaalada.

Acapulco ayaa 1950yadii iyo 1960yadii noqotay magaalo caannimo iyo dhaqaale badni isku darsatay balse wixii intaas ka dambeeyay waxay xuddun u noqotay daroogo ka ganacsiga waxaana ku batay dilalka.

Maxaa dhacay?

Booliiska faderaalka iyo ciidammada badda ayaa isku gadaamay xarunta ugu wayn ee booliiskaLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionBooliiska faderaalka iyo ciidammada badda ayaa isku gadaamay xarunta ugu wayn ee booliiska

Ciidammada badda, booliiska gobolka iyo booliiska faderaalka ayaa fuliyay hawlgal wayn Talaadadii.

Waxay isku gadaameen xarrumaha waawayn ee booliiska magaalada Acapulco, jidgooyooyin ayayna dhigeen.

Intaas ka dibna xarummaha ayay galeen ka dibna boqolaal booliis ah ayay hubka ka dhigeen waxayna kala wareegeen qoryihiii, rasaastii, qalabka xabbadda difaaca iyo qalabkii ay ku xiriiri jireen.

Waxay sidoo kale xireen labo taliye oo booliis ah oo looga shakisan yahay dil. Taliyaha booliiska waddada wayn Acapulco ayaa isna la xiray ka dib markii lagu arkay isaga oo wata hub aan diiwaan gashanayn.

Maxaa xiga?

Hawlihii booliiska waxaa qaban doona ciidammada badda iyo booliiska faderaalkaLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionHawlihii booliiska waxaa qaban doona ciidammada badda iyo booliiska faderaalka

Dhammaan booliiska iyo taliye Max Lorenzo Sedano ayaa baaritaan lagu hayaa. Booliiska oo dhan ayaana laga qaadi doonaan qiimayn la xiriirta “in lagu kalsoonaan karo iyo in kale” waxaana su’aalo laga waydiin doonaa suuragalnimada in ay wax calaaqaad ah la leeyihiin burcadda dambiile yaasha ah.

Hubka askarta iyo qalabkii ay isticmaalayeen ayaa bakhaarro lagu xiri doonaa.

Hawlihii booliiska waxaa qaban doona booliiskii kale ee gobolka tan iyo inta ay baaritaannadu ka dhamaanayaan sida uu sheegay masuul ka tirsan gobolka Guerrero.

Heerkay gaarsiisan tahay dhibaatada?

Dambiyada iyo dilalka ayaa ku sii badanayay magaaladan loo tamashle tagoLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionDambiyada iyo dilalka ayaa ku sii badanayay magaaladan loo tamashle tago

Hawlgalkan ayaa yimid ka dib markii masuuliyiintu ay arkeen in ay sare u kaceen falal dambiyeedyada magaalada Acapulco, isla markaasna ay arkeen in booliisku aysan wax tallaabo ah qaadaynin.

Sannadkii hore dilka ayaa sare u kacay 106 meeshii ay ku nool yihiin 100,000 oo ruux, waana tirada ugu badan adduunka oo dhan. Marka magaalada London la barbar dhigo 1.45 ayuu dilku ahaa meeshii ay 100,000 ku nooshahayba intii u dhaxaysay 2016 illaa Sabtembar 2017.

Dadka deegaanka ayaa ka cawday in dambiyadu ay sare u kaceen, bishii May-na waxaa dhacay mudaaharaadyo lagaga cabanayo in ganacsiyadii uu culays soo foodsaaray oo macaamiishu ay ammaankooda u baqayaan. Shaqaalaha fidiya gurmadka caafimaadka ee degdegga ahna waxay ka digayaan in ay la daalaa dhacayaan saamaynta rabashadaha.

Bishii Janaayo ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku shaqaalaheeda ka mamnuucday in ay u safraan magaalada Acapulco iyo deegaannada ku agdhaw ee gobolka Guerrero.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here