Booliiska Ireland oo baaraya Soomaali & Eretaraan lagu qariyay Kunteenar
Booliiska Dalka Ireland ayaa baaraya sababta keentay in Tahriibayaal isugu jira Soomaali & Eretariyaan loogu dhex qariyay Kunteenar ku xirtay Dekedda Rosslare Europort, waxaa ay tiradoodu gaareysaa ila sagaal qof.
Muddo 4 cisho ah ayay ku jireen Kunteenarka, markii xaaladdu ku adkaatay oo ay naftooda u cabsadeen ayay la xiriireen Mas’uuliyiin katirsan Ireland iyaga oo ka codsaday in la caawiyo oo laga badbaadiyo goobtaas halista badan ay ku jiraan.
Sarkaal katirsan ciidanka Ilaalada Xeebaha Ireland ayaa sheegay in ay dabagal ku hayaan qaabkii Dadkaan loo dhexgeliyay Kunteenarka, waxaa la mariyay hubin caafimaad maadaama ay ku sigteen in neefta ku dhegto.
Waaxda dambi baarista Dalka Ireland ayaa la xusay in ay billowday wareysi ay la yeelaneyso Dadkaan lasoo badbaadiyay in ay u ogaato xaqiiqada halkii ay kasoo dhexgaleen Kunteenar iyo haddii lacag ay ku bixiyeen halistaas ay ka badbaadeen.
Sanadihii u dambeeyay waxaa sii kordhayay qaabka cusub ee Tahriibka ku galayaan Tahriibayaasha Soomaalida ku jirto, Dalalka Yurub ayaa u xusul-duubaya sidii ay usoo gabagabeyn lahaayeen dadka lacagaha badan ka hela.