Bililiqo ka socoto qaar ka mid ah Magaalooyinka Faransiiska kaddib dil ay Ciidanka Booliska u geesteen Wiil dhallinyaro ah
Markii rabshaduhu billowdeen horraantii toddobaadkan, qaar kamid ah mudaaharadayaasha ayaa inta badan weeraray dhismayaasha dadweynaha sida hoolalka magaalada, maktabadaha iyo xarumaha bulshada.
Waxay maalmihii u dambeeyay diiradda saareen bililiqada iyo dhaca dukaamada, iyada oo ay jirto bililiqo badan habeenkii jimcaha waxaana laga yaabaa in dukaamo badan ay xirnaadaan todobaadkaan gudihiisa, kuwaas oo cabsi ka qaba in la bilili qaysto..
Dhanka kale warbaahinta Faransiiska ayaa ku warramaysa in wiil 19 jir ah uu ka soo dhacay saqafka sare ee dukaan weyn oo ku yaalla magaalada Rouen saacadihii hore ee Jimcihii ka dibna uu ku dhintay isbitaalka.
Booliska ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in dhacdan ay ka dhacday xaafada Petit-Quevilly oo ku taal goob laga dukaameysto oo ay bililiqeysteen mudaaharaadyadaal rabshado wata.
Dhacdadaan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo Magaalooyinka waaweyn ee dalka Faransiiska ay ka socdaan mudaaharaadyo rabshado wata, kaas oo socda ku dhawaad todobaad.
Mudaaharaadyada ka socda Faransiiska ayaa waxa ay ka dhasheen kaddib markii Ciidanka Booliska dalkaas ay toogteen Wiil dhallinyaro ah, kaas oo watay gaari uu lahaa, kuna shaqeeya, isaga oo u shaqeenayay mid ka mid ah shirkada cunnooyinka guryaha geeya.
Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maalinimadii khamiista ah kulan degdeg ah isugu yeeray qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirrada kaddib rabshado ku faafay guud ahaan dalka Faransiiska oo ka dhalatay toogasho ay boolisku ku dileen wiil dhalinyaro ah oo asal ahaan ka soo jeeda Waqooyiga Afrika .
Booliska ayaa xiray 150 qof guud ahaan dalka oo dhan, wasiirka arrimaha gudaha Gerald Darmanin ayaa sheegay, iyadoo carada dadweynuhu ay ku soo daadisay waddooyinka, gaar ahaan xaafadaha qowmiyadaha kala duwan ee magaalooyinka waaweyn ee Faransiiska.