Biden oo Putin ku eedeeyay in uu go’aansaday duullaanka ka dhanka ah Ukraine.

0
480

Biden oo Putin ku eedeeyay in uu go’aansaday duullaanka ka dhanka ah Ukraine.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhiggiisa Ruushka Vladamir Putin ku eedeeyay in maalmaha soo socda uu qorsheeyay weerar ka dhan ah Ukraine oo kala dhaxeysa Xiisad ka dhalatay dhul ay isku heystaan Moscow & Kiev.

Biden oo Warbaahinta kula hadlay Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Putin ay ka go’an tahay duullaanka uu ka dhadhaminayo dagaal qaraar oo ka dhan ah Ukraine isaga oo xusay in saansaan muujineysa tallaabadaas ay muuqato.

“Ruushka waxa uu hareereeyay Ukrain, waxa aaminsanahay in Moscow ay damacsan tahay in ay beegsato Kyiv, Duullaankaan waxa uu dhici karaa Todobaadka ama maalmaha soo socda” ayuu yiri Madaxweynaha 46aad ee Mareykanka Joe Biden.

Ruushka ayaa marar badan iska fogeeyay eedeyn uga timid Mareykanka oo ku saabsan in Xukuumadda Moscow ay damacsan tahay weerar ka dhan ah Ukraine iyo xulufada sheegtay in ay ka difaaceyso dagaalka laga cabsida qabo in uu Ruushku ku qaado.

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda waxaa wada Ruushka oo dhinac ah iyo Ukraine oo garab ka heleysa Dalalka ku bahoobay NATO, waddamada Poland iyo Belarus ayuu dhaqdhaqaaqaan saameyn taban ku reebay.

Ruushka ayaa boqolaal kun oo ah Ciidamadiisa oo wata hub iyo Gaadiid casri ah soo dhigay xadka uu la wadaago Ukraine, Kyiv qudheeda waxa ay ciidamo xooggan geysay Soohdinta si ay isaga difaacdo duullaan weliba oo dhanka Moscow uga yimaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here