Biden oo isku tilmaamay haweeneydii u horeysay ee aqalka cad hogaamisa

0
36

Biden oo isku tilmaamay haweeneydii u horeysay ee aqalka cad hogaamisa

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden oo waraysi siiyey Idaacadda WURD ee fadhigeedu yahay gobolka Pennsylvania ayaa sheegay hadal dad badan ka fajaciyey

Biden ayaa isku tilmaamay inuu yahay haweenaydii ugu horraysay ee Madow ah oo ka hawlgasha aqalka cad isla markaana uu taas ku faraxsan yahay.

Hadalkan oo ahaa sinbiraraxasho aanu ugu tala gelin ayaa muran badan ka dhaliyey Warbaahinta Maraykanka isaga oo sii huriyey guuxii waayahan taagnaa ee ka dhashay sidii uu Biden u wajahay dooddii uu bishii hore la galay dhiggiisa Donald Trump taasoo keentay inay Kaadiriinta Dimuqraadigu ku baaqaan inuu ka haro tartanka doorashada soo socota.

Joe Biden oo ah 81 jir 4 sano dalka Mareykanka soo hoggaaminayey ayaa la il daran xasuustiisa oo hoos u dhacday iyo hadal ka soo baxsada marar badan kaasoo sababay inay hoos u dhacdo rajada laga qabo inuu guul ka keeno doorashada ay isku arkayaan Madaxweynihii kursiga uga horreeyey ee Donald Trump.