Beesha Caalamka oo fariin u dirtay Axmed Madoobe iyo Deni, kana digtay hal arrin

0
388

Beesha Caalamka oo fariin u dirtay Axmed Madoobe iyo Deni, kana digtay hal arrin

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay wejiga saddexaad ee Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Maamul Goboleedyada iyo Duqa Muqdisho uga socda Magaalada Dhuusamareeb.

Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in aan la aqbali doonin go’aan ay arrimaha doorashada Soomaaliya ka gaaraan shakhsi ama koox kaligeed shirtay, isla markaana loog baahan yahay in go’aan wadar ogol ah laga gaaro Doorashooyinka dalka.

Beesha Caalamka ayaa dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ugu baaqday inay ka qeyb galaan Shirka Madaxda haatan uga socda Magaalada Dhuusamareeb, si loo xalliyo wixii Khilaafaad ah ee taagan, ayna ka wada qeyb qaataan dhammaantood.

“Saaxiibada Beesha Caalamka waxay si xooggan ugu dhiirigelinayaan madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ee aan weli kulanka ku soo biirin inay si toos ah ula xiriiraan dhiggooda hadda jooga magaalada Dhuusamareeb si loo xalliyo wixii arrimo ah oo taagan si ay dhammaantood uga wada qaybqaataan” ayaa lagu yiri Qoraalka Beesha Caalamka.

Sidoo kale Beesha Caalamka waxay mar kale adkeynayeen in isku day kasta oo uu ku kaco mid keliya ama qaar yar oo ka mid ah saamilleyda oo si qasab ah loogu mariyo qaabab doorasho uusan yeelan doonin sharciyad, isla markaana aan laga hirgelin karin, iyadoo aan taageerada lagama maarmaanka ah laga helin dhammaan saamilleyda kale.

Si kastaba Jubbaland iyo Puntland ayaa diiday ka qeyb galka Shirka Madaxda uga socda Caasimadda Galmudug, waxaana Puntland ay sheegtay in shirkaas ay uga qeyb geli karto oo kaliya markii Beesha Caalamka ay goobjoog ka noqoto shirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here