Beel Soomaaliyeed oo uu saamayn ku yeeshay isbadalkii deegaanka Soomaalida Itoobiya

0
850

Beel Soomaaliyeed oo uu saamayn ku yeeshay isbadalkii deegaanka Soomaalida Itoobiya

Dalka Itoobiya tan iyo intii uu isbadalka ka dhacay waxaa jira waxyaabo badan oo isbadalay.

Deegaanka Soomaalida ayaa ka mid ah meelaha laga dareemayo isbadalka ballaaran.

Balse isbadalka dhanka nidaamka iyo siyaasadda marka laga soo tago ayaa waxaa jira isbadallo heer bulsho ah oo deegaanka Somaalida ka dhacay.

Saamaynta beelaha la heyb sooco.

Guud ahaan deegaannada Soomaalida waa uu ka jiraa dhaqanka heyb sooca ee lagu sameeyo beelaha qaar.

Balse deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa intii ay jirtay xukuumaddii Cabdi Maxamuud Cumar waxaa la qaaday tallaabooyiin uu maamulkiisa arrintaas wax uga qabanayay.

Tallaabooyiinkaasi waxaa ka mid ahaa in xukuumaddii hore ay aroos wadareed u samaysay lamaaneyaal ka soo kala jeeday beelaha la heyb sooco iyo beelaha kale.

Maamulkii Cabdi Maxamuud ayaa aroos wadareed u sameeyay beelaha la heyb sooco iyo kuwo kaleLahaanshaha sawirkaSHAACIYE
Image captionMaamulkii Cabdi Maxamuud ayaa aroos wadareed u sameeyay beelaha la heyb sooco iyo kuwo kale

Heyb sooca beesha Gabooye.

Beelaha lagu heyb sooco dhulka Soomaalida waxaa ka mid ah beesha Gabooye oo dagta deegaano kala duwan.

Haddaba xilligan la joogo arrintaasi maka dhex jirtaa odayaal dhaqameedyada?

Dadka qaar ayaa ku doodaya in arrintaasi ay weli si weyn u jirto oo aanay qarsoodiba ahayn, maadaama odayaal dhaqameedka qudhooda lagu dhaliilayo iney takooraan madaxda dhaqanka ee beelaha la hayb sooco.

Suldaan Shaqlane Suldaan Cali Suldaan Xuseen oo ah oday dhaqameed kasoo jeeda beesha Soomaalidu ay heyb soocdo ee Gabooyaha ayaa sheegay in isaga qudhiisa ay arrintaasi ku dhacday.

Suldaan Shaqlane oo wareysi siinayay BBC ayaa sheegay in muddooyiinkii ugu dambeeyay sidii caadada ahayd aan lagu soo wargalin shirarka ay qabtaan odayaal dhaqameedka taasi oo uu u arko in ay tahay heyb sooc.

“Hadda ka hor sidii naloo xusi jiray reer ahaan ama oday ahaan oo naloogu yeeri jiray kulamada iyo qaddarintii midna ma muuqato”, ayuu yiri Suldaan Shaqlane.

Suldaanka ayaa sheegay in marka odayaasha ay shirarka qabanayaan aan isaga lagu soo wargalin si uu beeshiisa u matalo.

“Waxaad mooddaa in takoorkii hore ee dhaqanka uu wali halkiisii taagan yahay, iyagu way is wargaliyaan(Odayaasha)laakiin aniga wax la ii soo sheego ma laha”, ayuu ku daray hadalkiisa.

Suldaan Shaqlane Suldaan Cali Suldaan Xuseen ayaa sheegay in Odayaasha salaadiinta ah uu waydiiyay sababta aan beeshiisa shirarka dhaqanka loogu casuumin, balse la siiyay jawaab aan waafi ahayn.

Jawaabta la siiyay ayuu sheegay iney ahayd “waan ilownay waan masquulnay” iyo erayo la mid ah, kuwaasoo uu u tix galiyay nidaam takoor ah.

Wuxuu intaas ku daray in ay jiraan odayaal badan oo uu saaxib dhaw la yahay, balse aysan u caddeyn sababta looga tago oo aan shirarka looga qeyb galin, iyadoo arrintaasna ay beeshiisu si aad ah uga xun tahay.

Waxa uu suldaanka farta ku fiiqay in waayadii hore ka qaybgalka kulamada ay wax wayn u arkaysay beeshiisa, balse imika ay niyad jabsan yihiin

Suldaankan oo ah odayga matala beesha Gabooye ayaa dhinaca kale xusay in beeshiisa aan wax saami ah laga siinin mamaulka cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Xigasho: BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here