Barta Tiktok Oo Shaacisay In Ay Dacwaynayso Madaxwayne Trump

0
364

Barta Tiktok Oo Shaacisay In Ay Dacwaynayso Madaxwayne Trump

Barta muuqaalka ee shiinaha Tiktok ayaa qaadaysa tallaabo sharci ah si ay uga hortagaan, xannibaadda uu ku soo rogay madaweynaha Maraykanka Donald Trump.

Amarkan fulinta ah ee Mr Trump ayaa mamnuucaya macaamilka milkiilayasha shirkadda TikTok ee ByteDance badhtamihii Sebtember.

Saraakiisha sare ee Washington ayaa ka walaacsan in shirkaddani ay xogta isticmaaleyaasha dalkeeda Mareykanka u gudbin karto dowladda Shiinaha, waa ay se beenisay shirkadda ByteDance.

Barnaamijkan la iskula wadaago muuqaallada gaab-gaaban ayaa ku haysta dalka Maraykanka macaamiil gaadhaysa 80 Milyan.
TikTok ayaa sheegtay inay isku dayday inay ka qayb qaadato maamulka Mr Trump muddo ku dhawaad hal sano ah laakiin waxa ay la kulameen waxay ku qeexeen “danayn la’aan xaqiiqada ah”.

“Si loo hubiyo in xukunka sharciga aan la laalin iyo in shirkadeena iyo isticmaaleyaashayada loola dhaqmo si caddaalad ah, ma lihin ikhtiyaar aan ahayn inaan ka hortagno amarrada fulinta iyada oo loo marayo nidaamka garsoorka,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay shirkadda.

TikTok ayaa rajeynaysa inay bilaabaan dacwaddooda toddobaadkan, sida uu sheegay weriyaha BBC ee qaybta ganacsiga Vivienne Nunis.
Jimcihii koox Shiinays-Mareykan ah ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah xayiraadda madaxweynaha ee kan la midka ah ee bogga lagu wada xidhiidho ee ‘WeChat’, oo ay leedahay shirkadda Shiinaha ahi, oo lagu magacaabo Tencent.

Xog intee dhan ayuu TikTok keydiyaa?
TikTok macluumaad aad u badan ayuu ka uruuriyey dadka isticmaala bartaasi, waxaana xogahaas ka mid ah:
Qaar ka mid ah xog uruurinta barnaamijka ayaa kor u qaaday soo jiidashada, waxaana dhowaan lagu soo daray koobbiyeeynta iyo gudbinta farriimaha ay dadku wadaagaan.

Balse waxay arrintan saameyn ku yeelatay app-kan kuwo la mid ah sida Reddit, Linkedin, New York Times iyo BBC News app.

Xogaha uu uruuriyey TikTok ayaa u dhigma mid la mid ah xogta ay keydiso barta ay bulshada ku wada xidhiidho ee Facebook.

Si kastaba, Xafiiska Wakiilka Macluumaadka iyo Siraha UK ayaa sheegay inuu barnaamijkan baaritaan ku wado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here