Barlamaanka Puntland Oo Shaaciyay Cidda Hor-Taagan Fulinta Heshiiska DP WORLD

0
356

Barlamaanka Puntland Oo Shaaciyay Cidda Hor-Taagan Fulinta Heshiiska DP WORLD

Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa xalay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal kulan kula qaatay xubnaha Ururada bulshada Rayidka ah ee Maamulkaas.

Kulanka ayaa ahaa mid su’aalo lagu weydiinayay Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Puntland Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha.

Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Guddoonka oo kulanka ka hadlaayay ayaa ka hadlay cidda hor taagan fulinta heshiiska Shirkadda DP World ee ku aadan horumarinta dekedda Magaalada Boosaaso.

Baarlamaanka Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay is hor istaag ku saameysay fulinta heshiiskii DP World ee horumarinta dekedda Boosaaso, isla markaana uu dhaqan geli waayay heshiiska.

Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Guddoonka oo su’aalo uga jawaabayay Ururada bulshada Rayidka ah ee Maamulkaas ayaa eedeynta u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Si kastaba heshiiska Shirkadda DP World ee ku aadan horumarinta dekedda Boosaaso eeXarunta Gobolka Bari ayaa la saxiixay 6 April 2017, waxaana Baarlamaanka dowladda Federaalka uu heshiiskaas waxba kama jiraan ku tilmaamay 12 Maarso 2018.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here