Baarlamaanka Puntland Oo Laalay Dacwadii Xildhibaan Cawil Daad
Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa Maanta waxaa kulan ku yeeshay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, iyadoona kulan uu ahaa mid xasaasi ah.
Ajendaha Kulanka Baarlamaanka ayaa waxaa looga dooday Warqadii kasoo baxay Xaafiiska Xeer Ilaalinta Puntland, kaasi oo ay ku dalbanayeen in xasaanada laga qaado Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo 26-kii bishii hore Su’aal weydiiyay Madaxweyne Deni.
Intaas kadib Doon dheeraad, Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa laalay dacwadii xeer Ilaalinta Puntland uu ka soo gudbiyay Xildhibaan Cawil Daad.
Kulankan oo ahaa midkii 5-aad ee kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa soo xaadiray 41 Mudane, waxaana 39 Xildhibaan oo kamid ah ay u codeeyeen in Xildhibaan Daad uusan wax dembi ah gelin.
Si kastaba Xafiiska Xeer ilaalinta dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay inuu ka laabtay dacwadii ay kusoo oogi lahaayeen Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo 26-kii bishii hore Su’aal adeg weydiiyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.