Baarlamaanka Kenya oo loo gudbiyay Caqabadaha Dalkaas looga mamnuuci karo Aaladda TikTok.

0
204
FILE - The TikTok app logo appears in Tokyo on Sept. 28, 2020. The social media app shared its list of top 100 videos, creators and trends in America in 2020. (AP Photo/Kiichiro Sato, File)

Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa loo gudbiyay codsi lagu lifaaqay caqabadaha uu Bulshadu u leeyahay isticmaalka TikTok si guud ahaan dalkaas looga mamnuuco sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Dowladda & Baarlamaankaas.

Xafiiska Afhayeenka Baarlamaanka Kenya waxaa codsigaan u diray Maamule sare oo Kenyaan ah oo lagu magacaabo Bob Ndolo oo ah maamulaha Shirkaddda Latalinta Bridget Connet Consultancy si cod Baarlamaan loogu mamnuuco aaladdaan TikTok.

Ndolo ayaa eedeyntiisa ku xoojiyay in aaladdaan ay ka tallaabtay xeendaabka nabadgalyada, Anshaxa & wax weliba oo la xeeriyo marka la eego bulshada isticmaasha baraha kale ee Bulshada waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxyaabaha uu sida gaarka ah ugu eedeeyay waxaa kamid ah: Faafinta Rabshadaha Jinsiga, Hadallada Nacaybka iyo Aflagaadada ah, Xakameyn la’aanta & dhibaatooyin kale oo dhanka Maskaxda qofka joogteeya ah.

Maamulaha Shirkadda Latalinta BCC ayaa xitaa eedeyntiisa ka dhanka ah Aaladda TikTok kusoo daray in ay sabab u tahay hoos u dhaca Tacliinta maadaama Ardaydu ay ku mashquuleen kuwaas oo la qabatimay waa sida uu ku dooday.

Dalal badan ayaa mamnuucay aaladda TikTok si ka duwan dhaleeceenta ka timid dhinaca Kenya, waxaana intooda badan Dalalkaas ay qiil ka dhigteen in arrimaha dhinaca Amniga Awgii ay u joojiyeen, waxaana waddamadaas kamid ah Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here