Baarlamaanka Dalka Pakistan Oo Ku Dhegay Raysal Wasaare Imran Khan Wadana Qorshe Ay Xilka Kaga Qaadayaan.

0
615
Pakistani cricketer-turned politician and chairman of the Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) political party, Imran Khan attends an anti-government rally in front of Parliament building at "Red Zone" in Islamabad on August 21, 2014.

Baarlamaanka Dalka Pakistan Oo Ku Dhegay Raysal Wasaare Imran Khan Wadana Qorshe Ay Xilka Kaga Qaadayaan.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayay u badan tahay in xilka laga tuuro iyadoo golaha qaranka lagu wado inay Jimcahan cod mooshin oo kalsooni kala noqosha ah ay u qaadaam xukuumadda talada haysa, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Isbahaysi ay ku mideysan yihiin xisbiyada mucaaradka ayaa codka kalsoonida u gudbiyay ra’iisul wasaaraha, iyagoo sheegay in dowladdiisa ay sidoo kale lumisay aqlabiyadda. Dhowr xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Imran Khan Pakistan Tehreek-e-Insaf ayaa sidoo kale u goostay dhinaca mucaaradka.

Mucaaradku waxay u baahan yihiin in ugu yaraan ay 172 cod ka helaan 342 xubnood ee uu ka kooban yahay baarlamaanka Pakistan si ay uga adkaadaan Khan. Waxaa jira warbixino sheegaya in tiro xildhibaanno ah oo ka tirsan xisbiga PTI ee Cimraan Khan oo hadda oo la rumeysan yahay inay ka codeeyaan xisbigooda.

Hoggaanka xisbiyada mucaaradka Pakistan ayaa ka codsaday xildhibaanadooda inay ku ekaadaan Islamabad si ay u xaqiijiyaan joogitaankooda fadhiga baarlamaanka qaranka ka hor codeynta mooshinka kalsooni la’aanta ee ka dhanka ah Ra’iisul Wasaare Imran Khan.

Sida laga soo xigtay hogaamiyayaasha mucaaradka, afhayeenka aqalka hoose ee baarlamaanka ayaa qaban kara kalfadhiga baarlamaanka wakhti kasta, wuxuuna faray xildhibaanada xisbiyadooda inay ku sii sugnaadaan Islamabad, sidaas waxaa qortay warbaahinta ARY News.

Iyadoo ay socdaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee sii kordhaya ee ku xeeran mooshinka kalsooni kala noqoshada, waxa arrinta Khan uga sii daraysa waa ciidamada Pakistan ee awoodda badan oo arrinta oo dhan iska fogeeyay.

Sida laga soo xigtay xogta sirdoonka, afar jeneraal oo sarsare oo ay ku jiraan taliyaha ciidamada General Qamar Javed Bajwa iyo agaasimaha guud ee hay’adda sirdoonka ISI Lt Janaraal Nadeem Anjum ayaa u sheegay Imran Khan inuu is casilo.
Waa xil ay dad badan ku fakarayeen in uusan weligii ku guuleysan karin: Ka dib muddo 20 sano oo uu loolanka siyasadda ku jiray, wuxuu guul ka gaaray doorashadii 2018-kii. Waa qeyb weyn oo ka mid ah shaqada siyaasadda.

Wuu adkeystay in kastoo ay sida roobka ugu da’ayaan eedo la xiriira in militariga awoodda leh ee Pakistan, oo si toos iyo si dadbanba u mamulay dalkaas tan iyo xurriyaddii, ay si hoose uga shaqeeyaan faa’iidadada xisbigiisa PTI.

Fikraddaas iyo caqabadaha kale ee badan ee Pakistan ay wajeheyso, waxaa la filayay in sannadka ugu horreeyay ay u noqoto mid fudud oo fiican.
Khudbadiisii ugu horeysay ka dib markii uu guuleystay, Ra’iisul Khan wuxuu caleen u ruxay dalka ay muddada is hayeen wuxuuna ku dhawaaqay: “Haddii Hindiya ay hal tallaabo dhankeena u soo qaado, innagana laba tallaabo ayaan dhankooda u qaadeynaa.”

Si uu arrintaas u xaqiijiyo, wuxuu durbadiiba amray harumarinta marinka Kartarpur, kaas oo matala wada shaqeynta dhifka ah ee ka dhexeeya Hindiya iyo Pakistan, wuxuuna suurageliyay in dadka Sikh ee Hindiya ay booqdaan goobaha ay barakeystaan ee dhanka Pakistan ku yaalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here