Baaq Ku Aadan Haweenka oo Qaramada Midoobay ay Udirtay Taliban Iyo Fah faahin Ku Saabsan

0
473

Baaq Ku Aadan Haweenka oo Qaramada Midoobay ay Udirtay Taliban Iyo Fah faahin Ku Saabsan

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha haweenka ayaa ka digaysa in si degdeg ah dib loogu celiyo xuquuqda haweenka iyo gabdhaha Afgaanistaan, oo ay la’yihiin tan iyo markii Taalibaan ay xukunka la wareegeen afar bilood ka hor.

In kasta oo ay soo noqnoqotay dammaanad qaadka Taalibaan ee ah in xuquuqda dumarka lagu ixtiraami doono sida uu qabo shareecada Islaamka, ayaa warbixinta Qaramada Midoobay ay soo gabogabeysay in erayada lagu takoorayo dumarka, laga dhigay wax caadi ka ah dhammaan dhinacyada nolosha Afgaanistaan.

Warbixintu waxa kale oo ay xustay in qoysas badan ay hadda soo rogayaan xannibaado iyaga u gaar ah, si ay uga hortagaan arintan.

Xitaa ka hor intaysan dib u qabsan Taliban, ayaa Afgaanistaan waxa ay kaalinta koowaad ka gashay meelaha ugu xun ee ay ku noolaadaan haweenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here