Baadari weyn oo 45 sano kaddib qaatay diinta Islaamka kana hadlay sida uu isku bedelay!

0
75

Baadari weyn oo 45 sano kaddib qaatay diinta Islaamka kana hadlay sida uu isku bedelay!

Wuxuu 45 sano baadari ka ahaa kaniisad ku taal dalka Australia. Gould David wuxuu ku dhawaaqay maalmo kahor inuu qaatay diinta Islaamka. Wuxuuna la baxay magaca Abdul Rahman.

Barashadiisa iyo fahamkiisa Islaamka wuxuu kasoo bilowday Perth oo ah magaalo uu u tagay tacsida seedigiisa oo dhintay. Wuxuuna kiraystay hotel fogaan 150 mitir u jira masjidka oo laga maqli karo aadaanka iyo salaadaha.

Wuxuu go’aansaday inuu socdaal gaaban ku bixiyo Masjidka. Waxaana halkaas kusoo dhaweeyey imamka Masjidka oo guddoonsiiyay nuqul kamid ah Qur’anka Kariimka ah.

“Waan sujuuday oo aan Rabbiga Weyn isku dul-dhigay si aan u haleelo jidkiisa dhabta ah kadibna waxaan aqriyay Qur’anka – waaba sida aniga oo Rabbigay la hadlaya oo xaqiiqda jiritaankiisa isaga ka dhageysanaya.”

Markii uu, si kastaba, kusoo noqday Tasmania, wuxuu u sheegay baadariga weyn inuu doortay – oo uu qaatay – diinta Islaamka. Wuxuuna ku dhawaaqay kelmadda shahaadada.

Wuxuu sheegay in qaadashadiisa Islaamka aysan ka dhigneyn inuu nacayo ama uu gebi ahaanba diido Nabi Ciise CS iyo risaaladiisa.

Islaamku waa diinta ugu ballaaran adduunka uguna faafidda badan oo la rumeysan yahay sannad kasta inay kusoo biiraan nus malyuun dad ah oo diimaha kale kasoo baxaya si ay u ajiibaan kelmadda xaqqa ah.