Axmed Madoobe Iyo Cabdicaiis Lafta-Gareen Oo War Kasoo Saaray Shirarkii Kismaayo

0
318

Axmed Madoobe Iyo Cabdicaiis Lafta-Gareen Oo War Kasoo Saaray Shirarkii Kismaayo

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay shirar looga hadlay Arrimo dhowr ah ku yeeshay Magaalada Kismaayo.

War-saxaafadeed Wadajir ah oo ay soo saareen Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in labada Madaxweyne Goboleed ay ka shireen Arrimaha Amniga, horumarinta, dhaqaalaha, Ganacsiga, xoojinta wadashaqeynta ka dhexeeysa labada dhinac iyo dardar-gelinta doorashooyinka.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa walaac ka muujiyey abaaraha baahsan ee ka jira dalka gaar ahaan deegaanada labada maamul, iyagoona ku baaqay in gurmad Deg-deg ah lala gaaro shacabka ay abaaraha saameeyeen.

Sidoo kale labada Madaxweyne ayaa isla gartay in la iska kaashado guud ahaan amniga deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland,  xasilloonida, la-dagaalanka Al-shabaab iyo isweydaarsiga xogaha amniga labada dhinac.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here