Axmed Karaash Oo Ku Wajahan Gaalkacyo Iyo U Jeedka Socdaalkiisa

0
410

Axmed Karaash Oo Ku Wajahan Gaalkacyo Iyo U Jeedka Socdaalkiisa

Saacadaha soo aaddan ayaa la filayaa in Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi uu hoggaaminayo ay gaaraan magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa lagu wadaa in uu Gaalkacyo kula kulmo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Axmed Karaash ayaa si gaar ah ula kulmi doono sida qorshuhu yahay wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse Cali oo isna ku sugan Gaalkacyo, halkaasi oo maalmihii ugu dambeeyay uu ka aday kulammo siyaasadeed.

Sidoo kale odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta Gobolka ayuu kulammo kala duwan la qaadan doonaa madaxweyne ku xigeenku, waxaana ay ka wada hadli doonaa arrimaha taagan eek u aaddan khilaafaadka kasoo dhex-cusboonaaday hoggaanka Puntland.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa dhawaan ka dhacday shaqaaqu ilaa iyi hadda aan isla xisaabtan dhab ah laga samneyn, waxaana warar hoose oo soo baxaya ay tilmaaamyaan in Axmed karaash  uu qaadi doono taallaabooyin looga jawaabayo dhacdadii Gaalkacyo ee ay ku dhaawacmeen nabaddoon Yaasiin Cabdi samad iyo taliye Koomaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here