ATMIS Oo Bandow Kusoo Rogtay Xayndaabka Xalane Kadib Amarkii RW Rooble Bixiyay

0
483

ATMIS Oo Bandow Kusoo Rogtay Xayndaabka Xalane Kadib Amarkii RW Rooble Bixiyay

Iyadoo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu dhawaan amray  In la sameeyo howlgal lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee xerada Xalane, ayaa Howgalka ATMIS waxaa ay sheegeen in Bandow kusoo rogayaan Xayndaabka xalane.

Qoraal ka soo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa lagu shaaciyay in ay qaadayaan tallaabo lagu baarayo amaanka guud ee Xalane, waxaana intaa ay ku dareen  in bandowgu socon doona mudda dhawr cisha ah.

Xarunta Xalane iyo guud ahaan garoonka diyaaradaha Aadan magaalada Muqdisho ayaa si toos ah loogu soo rogi doonaa bandowga, waxaana yaraan doona dhaq-dhaqaaqa guud ee Xarunta, sida lagu sheegay Qoraalka ATMIS.

Laga bilaabo 25 ilaa 28 bishan April  ayuu socon doonaa Bandowgu,w axaana Bandowgan uu saameyn doona dhammaan goobaha ay degan yihiin ATMIS, xarumaha UN-ka iyo dhammaan safaardaha degan gudaha garoonka dayuuradaha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan sheegay in loo baahan yahay xaqiijin guud oo dhanka ammaanka ah in lagu sameeyo Xayndaabka Xalane.

Waxaana  Bandowgan ay ATMIS ku dhawaaqday uu  ku soo beegmayaa, iyadoo qabashada doorashada Guddoonka golaha shacabka oo la qorsheeyay in ay ka dhacdo teendhada Afisyooni ee Xayndaabka Xalane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here