Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo laba wiil la socday mooto bajaaj ku dilay Ceelasha Biyaha

0
460

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo laba wiil la socday mooto bajaaj ku dilay Ceelasha Biyaha

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Somaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ku dilay laba wiil oo la socday mooto bajaaj.

Askariga oo saarnaa dhugdhugley, mashquul-na uu wadada ka jiray ayaa waxaa la soo sheegaya in uu rasaas ku furay dadkii gaadiidka watay ee wadadaasi maraayay.

Rasaastaasi ayaa la soo sheegaya in ay haleeshay laba wiil oo wada dhashay, kuwaa oo xilligaa saarnaa mooto bajaaj, iyagoona u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray rasaastaasi.

Askariga ayaa goobtaasi ka baxsaday. Ciidanka Booliska ee deegaanka Ceelasha Biyaha oo dhacdadaasi ku baxay ayaan u suurtagelin in ay gacanta ku soo dhigaan askarigaasi.

Ciidamada Dowladda ayaa lagu eedeeyaa in ay rasaas furaan, kolka uu mashquul ama ciriiri ka jiro wadooyinka ay marayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here