Askari Horay U Dilay Wiil Bajaajle Ah Oo Dil Toogasho Ah Lagu Fuliyay

0
502

Askari Horay U Dilay Wiil Bajaajle Ah Oo Dil Toogasho Ah Lagu Fuliyay

Askari ka tirsanaa Ciidanka Daraawiishta Ciidanka Booliiska ayaa lagu fuliyay dil toogasho ah oo horay loogu xukumay, kadib markii uu dil bareer ah u gaystay qof shacab ah.

Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan “Dhafoor” ayaa lagu fuliyay Dil-toogasha ah oo ah Qisaasta Marxuum uu horay u dilay, waxaana uu ka tirsanaa Askarigu  Daraawiisha Ciidanka Boliiska.

Marxuumka uu dilka u gaystay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sugow Gaarane Ciyow oo ahaa Bajaajle, waxaana dilku uu ka dhacay Saldhiga Degmada Luuq, halkaasi oo la sheegay in si bareer ah uu u dilay marxuumka Bajaajlaah ahaa.

Qisaasta ka dhacday fagaaraha Barxadda toogashada Luuq-Ganaane, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan qoyska Marxuum Sugow Gaarane Ciyow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here