Askar Mareykan ah oo u gacan qaaday nin madow ah oo maqalka la’ iyo waxa lagu ciqaabay

0
20

Askar Mareykan ah oo u gacan qaaday nin madow ah oo maqalka la’ iyo waxa lagu ciqaabay

Labo sarkaal oo ka tirsan booliiska magaalada Phoenix ee dalka Mareykanka ayaa la galiyay fasax maamul ka dib markii muuqaalo laga soo duubay ay muujinayaan iyaga oo si xun u xiraya nin maqalka la’ oo madow ah isls markaana qaba xanuun dhanka dhimirka ah.

Kaamirada jirka iyo muqaallada ilaalada ee la xiray ayaa muujiyay in labada sargaal oo kala ah Benjamin Harris iyo Kyle Sue ay u gacan qaadeen isla markaana feereen ninka.

Waxaa loo yaqaan Tyron McAlpin.

Waxaa lagu eedeeyay inuu weeraray dukaan laakiin eedeymaha waa la laalay todobaadkii hore.

Qareenka Tyron McAlpin ayaa sheegay in aanu samayn wax khalad ah.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warrameysa in saraakiishan aysan ogeyn xaaladiisa ka hor inta aan la xirin.