Askar Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Shabeellaha Dhexe

0
311

Askar Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Shabeellaha Dhexe

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Bar koontarool oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi  oo ku taalla degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle.

Weerarka oo dhacay saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa ka dhashay khasaaro nafeed oo gaaray Ciidamo ku sugnaa Barta koontarool ee la weeraray, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka degmada Cadale.

Ugu yaraan laba Askari oo kamid ah dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhintay weerarka ay soo qaadeen Al-shabaab, waxaana Qoraalka lagu daabacay baraha Internet-ka Shabaab ay ku sheegteen mas’uuliyada weerarka ka dhacay Cadale.

Sidoo kale Shabaabka ayaa intaas kusii daray inay horey u qaateen laba qori Ak-47 ah oo ay wateen askarta la dilay, weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Cadale iyo Saraakiisha Ciidamada oo ku aadan weerarkaas.

Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle ayaa kamid ah degmooyinka ugu amniga roon Gobolkaas, waxaana mararka qaar dagaal beeleedyo ay ka dhacaan deegaano hoostega degmadaas…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here