Armenia Oo Azerbijan Ku Eedaysay In Ay Ka Qabsatay Dhul Kale Oo Aan Ahayn Gobolkii Ay Hore Uga Qabsatay

0
259

Armenia Oo Azerbijan Ku Eedaysay In Ay Ka Qabsatay Dhul Kale Oo Aan Ahayn Gobolkii Ay Hore Uga Qabsatay

Raysal wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan ayaa sheegay ciidamadooda dagaalka ay Isniintii xadka kula galeen kuwa Azerbaijan in looga dilay ugu yaraan 150 askari.

Azerbaijan dhankeeda waxay sheegtay iney dagaalkaasi uga dhinteen 50 askari, iyada oo dagaalka labada dal dhexmaray uu midba midka kale ku eedeynayo inuu billaabay.

Dagaalkan ayaa ah kii ugu dambeeyey oo ka dhex dhaca labada Jamhuuriyadood oo Midowgi Soofiyeet ka tirsanaa, halka colaaddoodana ay salka ku hayso gobolka Nagorno-Karabakh oo ay ku muransan yihiin.

Ruushka iyo Mareykanka ayaa midba gaarkii labada dal ugu baaqay iney nabadda u soo laabtaan.

Ra’isal wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan oo baarlamaanka dalkaasi la hadlayey wuxuu sheegay dagaalki billowday maalinti Isniinta in 150 askari looga dilay, dagaalka ay askartaasi naftooda ku waayeenna uu ku eedeeyey Azerbaijan iney soo qaadday.

Wuxuu sida oo kale ciidamada Azebaijan uu ku eedeeyey iney Armenia iney ka qabsadeen dhul ka badan 10km oo laba jibbaaran.

Nikol waxaa kale uu sheegay dalkiisu inuu dalka Ruushka oo ay xulafa dheer yihiin uu la xiriiray si taageero militari uu uga helo.

Azerbaijan ayaa dhankeeda beenisay dagaalki ugu dambeeyey oo toddobaadkan dhacay iyo wararka sheegaya inay rasaas ku fureen baabuur ay leeyihiin ciidamada ammaanka ee Ruushka ee FSB oo ku sugnaa gudaha Armenia.

“Ciidamadayadu jawaabti ku habbooneyd ayey ka bixiyeen dagaalka ay soo qaadeen ciidamada Armenia,” ayey tiri wasaaradda Gaashaan dhigga oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee Reuters.
Xabbad-joojin jilicsan oo Talaadadi la gaaray Ruushkana dhexdhexaadiye uu ka ahaa ayaa guul darro ku soo dhammaatay, iyadoo labada dalba midba midka kale uu ku eedeynayo xabbad joojinta uu jabiyey.

Laba sana ka hor labada dal gobolka Nagorno-Karabakh waxaa ku dhexmaray dagaal dhiig badan uu ku daatay.

Beesha caalamkana labada dal waxay ugu baaqayaan iney dagaalka joojiyaan si looga gaashaanto dhiig kale oo ku daato dagaal labada dal ka dhex qarxo.

Qasaaraha naf iyo maalba leh oo labada dal ka dhex dhacay wuxuu khatar weyn uu geliyey xiriirka labada dal oo ah awoodaha muhiimka ee gobolka waa Ruushka iyo Turkiga, sida oo kalana wuxuu carqakadeeyey dhuumaha saliidda iyo gaaska qaada oo mara gobolka lagu dagaallamaya.

Turkiga ayaa agaalka kula saftay Azerbaijan, halka Ruushkana uu la saftay dalka Armenia.

Madaxweyne Recep Erdogan dagaalka markale billowday wuxuu ku eedeeyey Armenia, isaga oo ugu baaqay iney waddada nabadda ku soo laabato.

Labada dal oo ku muransan dhulka buuraleyda ee Nagorno-Karabakh waxay dagaallo ku dhex mareen 1980-kii, 1990-kii iyo dagaal laba toddobaad socday oo dhacay 2022-ka.

Gobolkaasi waxaa caalamka looga aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay dalka Azerbaijan, inaksta oo ay deggan yihiin dad badan oo ka soo jeeda qowmiyadda Armen oo deggan dalka Armenia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here