Aqoonsiga Falasiin oo saameeyay shirka Qaramada Midoobay ee maanta furmaya

0
50

Aqoonsiga Falasiin oo saameeyay shirka Qaramada Midoobay ee maanta furmaya

Shirka 80aad ee Qaramada Midoobay maanta furmaya waxaa saamayn ku reebay aqoonsiga Dowlado badan ay siiyeen Falastiin, waxaa jira kulan gaar ah oo ay garwadeen ka noqonayaan Faransiiska iyo Sacuudi Carabiya oo fadhiga kahor qabsoomaya.

Tallaabooyinka aqoonsiga Falastiin waxa uu yimid iyada oo Dalalka go’aankaas qaatay ay sheegeen in ay u adkaysan waayeen dhibaatooyinka Bani aadamnimo iyo weerarrada arxan-darrada ah ee Militariga Israa’iil ku dhaqaaqeen.

Sida uu wariyay Teleefishinka Aljazeera, Danjiraha Israa’iil ee Qaramada Midoobay Danny Danon waxaa ka dhammaaday cataawga kaddib markii uu isku dayay inuu hor istaago mowjadaha ka dhanka ah ee lagu aqoonsanayo Falastiin.