Amnesty International & Human Right Watch oo wadajir u sheegay in Gobolka Tigray uu ka dhacay Xasuuq.

0
445

Amnesty International & Human Right Watch oo wadajir u sheegay in Gobolka Tigray uu ka dhacay Xasuuq.

Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International iyo Human Right Watch ayaa wadajir u sheegay in Xasuuq loo geystay Dad rayid ah uu ka dhacay Ismaamulka Tigray tan iyo markii uu billawday Duullaanka Xukuumadda Abiy Ahmed ku qaaday November 2020.

Warbixinta wadajirka ay usoo saareen labada Hay’ad ayaa si toos ah lagu sheegay in Ciidamada ammaanka Ismaamulka Amxaarada iyo Galbeedka Tigray oo kaashanaya Militariga Federalka in ay geysteen dilal aan kala sooc lahayn.

Jirdil, Kufsi iyo ciqaab adag ayaa usii dheer dhibaateynta ay geysteen Ciidamadaan dagaalka ku galay Waqooyiga Itoobiya ismaamulka Dhaca ee Tigray sida lagu xusay Warbixinta ay soosaareen Hay’adaha Amnesty iyo Human Right.

Dagaalka Dowladda Federaalka Itoobiya ku qaaday Ismaamulka Tigray ayaa ka dhashay dib u dhigista Doorasahda Dalkaas oo waqti ahaan ku beegneed August 2020, Xukuumadda Abiy ayaa sheegtay in sabab ka dhalatay Covid-19 in aysan u dhici Karin Doorashada balse waxaa diiday oo si iskood ah u qabsaday Tigray.

November 2020, Dagaal toos ah ayaa dhexmaray Ciidamada Federaalka oo kaashanaya qaar kamid ah Ismaamullada iyo Xoogagga TPLF, Magaalooyin muhiim ah oo Tigray katirsan ayaa gacantooda ka baxday kuwa ismaamulka balse muddo kaddib ayay dib u qabsadeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here