Alshabaab oo meel fagaare ah dil toogasho ah ku fuliyay 4 ruux

0
389

Alshabaab oo meel fagaare ah dil toogasho ah ku fuliyay 4 ruux

Ururka Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo waxaa ay xukun toogasho ah ku fuliyeen afar ruux oo ay ku eedeeyeen in ay u basaasayeen dowlada Soomaaliya iyo dowlada Maraykanka.

1- Diini C/Qaadir Maxamed wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka
2- Ciise Cismaan Geelle wuxuu ushaqaynayay Sirdoonka Xabashida Itoobiya.
3- Aadan Xasan Max’med wuxuu u shaqaynayay Sirdoonka DF.
4- Cabdi Caziiz Xasan Cabdi wuxuu u shaqaynayay Sirdoonka DF

Al-Shabaab ayaa hore waxaa ay meelo ka mid ah Soomaaliya ku toogteen dad ay ku eedeeyeen inay la Shaqeynayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha taageera, kuwaas oo ay ka qabteen degaannada ay maamulaan iyo weliba qaar ka mid ah maleeshiyaadka ururka ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here