Al-shabaab Oo War Kasoo Saartay Weerarka Ka Socda Hotelka Xayaat Ee Muqdisho

0
331

Al-shabaab Oo War Kasoo Saartay Weerarka Ka Socda Hotelka Xayaat Ee Muqdisho

Rag hubeysan iyo Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa ku dhex dagaalamaya gudaha hotelka Xayaat ee ku yaalla Isgoyska KM-4 ee Magaalada Muqdisho, waxaana hotelka lagu qaaday weerar ku bilowday qaraxyo Is-miidaamin ah oo jugtooda siweyn loo maqlay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxyada iyo dagaalka ka socda gudaha hotelka, in kastoo aan weli rasmi ah loo ogeyn khasaaraha inta uu la egyahay, maadaama weli ay rasaas toos ka socoto hotelka oo ku sugnaayeen dad badan.

Al-shabaab ayaa warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyada weerarka lagu qaaday hotelka Xayaar, iyagoona tilmaamay inay halkaas ka dhex-dagaalamayaan xubno ka tirsan Al-shabaab.

Shabaabka ayaa intaas kusii daray in markii ay dagaalyahanadoodu gudaha u galeen hotelka, qarax kale oo aad u xoogan lala beegsaday gurmadkii ugu horeeyey ee soo gaaray goobta, waa sida ay hadalka u dhigeen Al-shabaab.

Xaaladda aaga hotelka Xayaat ayaa aad u kacsan, isla markaana waxaa goobta ku sugan Ciidamo farabadan oo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana gurmadyo loo sameeynayo dadka ku waxyeeloobay weerarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here