Al-Shabaab Oo War Kasoo Saartay Qaraxii Khasaaraha Dhaliyey Ee Ka Dhacay Jowhar

0
482

Al-Shabaab Oo War Kasoo Saartay Qaraxii Khasaaraha Dhaliyey Ee Ka Dhacay Jowhar

Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku geeriyooday Qarax barqadii Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle, halka ay ku dhaawacmeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas iyo qof kale.

Xildhibaan Cumar Maxamed Cumar Gaabow iyo Yuusuf Cabduqaadir Karaani ayaa ku dhaawacmay qaraxaas dhacay iyo qof kalena oo shacab ah, waxaana xiligii qaraxu dhacayay ay ku sugnaayeen Maqaayad ku taalla xaafadda kulmis ee Magaaladaas.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxa, iyagoona tilmaamay inay la beegsadeen Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle oo ay ku dhaawaceen Xildhibaan Cumar Gaabow iyo Yuusuf Cabduqaadir.

Sidoo kale Shabaabka ayaa intaas kusii daray in dhaawacyo soo gaareen Sarkaal, Ciidamo iyo mid kamida Ergooyinka Xildhibaanada kasoo xulay dhanka Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

Laamaha ammaanka Maamulka ayaa wada howlgalo kala duwan oo lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda, waxaana qaraxaas uu kusoo aaday, iyada oo maalmaha soo socda la filayo inay Jowhar ka bilaabato doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here