Al-Shabaab oo war kasoo saaray qaraxii maanta ka dhacay duleedka Muqdisho

0
476

Al-Shabaab oo war kasoo saaray qaraxii maanta ka dhacay duleedka Muqdisho

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ee sababay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay halka 20 kale ay ku dhaawacmeen qaraxaas oo ka dhacay jidka Afgooye ee galbeedka Muqdisho. Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira dhowr Turkish ah.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka, oo sida ay sheegtay ahaa mid ismiidaamin ah, oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen shaqaalaha Turkiga.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in goobta qaraxa uu ka dhacay ay ku sugnaayeen lix qof oo Turkish ah, ayna dhaawaceen afar ka mid ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladaha Soomaaliya iyo Turkey, oo ku aadan qaraxa.

81 qof oo badankood shacab ahaa ayaa ku dhintay weerar 28-kii December ay Al-Shabaab ka fulisay isla waddadan, ayada oo 140 kalena ay ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab ayaa beegsata waddadan oo uu ka socdo dhimshada jid ay maal-gelineyso dowladda Qatar, waxaana qorshuhu yahay inay joojiso dhismahaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here