Al-Shabaab oo markii u horeysay magacaabay guddi la socda Xaalada cudurka Corona

0
440

Al-Shabaab oo markii u horeysay magacaabay guddi la socda Xaalada cudurka Corona

Xarakada Al-Shabaab ayaa soo saaray bayaan ku saabsan la socodka arrimaha cudurka saf marka ah ee Coronavirus, kaasoo caalamka fara ba’an ku haya, boqolaal kun oo ruux ay u dhinteen.

Bayaanka oo u muuqday mid muujinayay inay Al-Shabaab dhab u qaateen cudurkan, ayaa waxaa la magacaabay Guddi ka kooban 7 xubnood oo isugu jira Mas’uuliyiin, Waxgarad iyo Culimo, si ay ula socdaan xaalada cudurka Coronavirus oo ku faafayo gobolada ku dhow dhow wilaayaadka Islaamiga.

“Iyadoo laga ambaqaadayo xaaladaha caafimaad darro ee ku soo korortay dunida, gaar ahaan cudurka Korona ee boqolaalka kun ee qofood ku dilay dunida dalacalladeeda, saamayntiisuna ay soo gaartay bariga Afrika ayaa waxaa arrinka cudurkaas kulamo ka yeeshay Maktabka Siyaasada iyo Wilaayaatka ee Xarakada Al-Shabaab Al Mujaahidiin”
Mas’uuliyiintii kulamada kasoo qayb galay ayaa isla falanqeeyay cudurka iyo saameeynta uu ku yeeshay deegaanno ka mid ah dhulka Soomaaliya, taas oo sababatay dhimashada qaar ka mid ah dadkii uu cudurka ku dhacay, halka qaar kale oo fara badan ay la xanuunsan yihiin.
Halkan hoose ka akhriso Bayaanki:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here