Al Shabaab oo gudaha Kenya ku dishay Deeqow Isaaq Aadan

0
68

Al Shabaab oo gudaha Kenya ku dishay Deeqow Isaaq Aadan

Dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab. ayaa xalay weerar qorshgeysan oo gaadmo ahaa ka fuliyay gudaha deegaan lagu magacaabo Naani, oo hoostaga magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.

Weerarkan Al Shabaab ka fuliyeen deegaankan hoostaga magaalada Garaisa, waxa ay ku beegsadeen sargaal Soomaali Kenyan ah oo katirsanaa ciidamada ammaanka ee ka howgala aagaasi oo lagu magacaabayay Deeqow Isaaq Aadan .

Al Shabaab ayaana ninkan sargaalkan ah ee ammaanka deegaankaasi ka shaqeenayay weerar gaadmo ah ku dishay, dableydii dilka u geesatay ninkan la shaqeenayay ciidamada ammaanka alka Kenya ayaana goobta si deg deg ah isaga baxsaday.

Ciidamada Kenya ayaana saakay howlgallo ka wada aaga uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada dhinaca xadka iyo goobo kale ay ka baadigoobayaan dableydii xalay dilka ka geesatay deegaanka lagu magacaabo Naani ee kuyaalla dhinaca xadka.

Al Shabaab ayaana xilliyada qaar weeraro gaadmo ah ka fulisa gudaha dalka Kenya gaar ahaan deegaannada dhaca xadka, waxaana muddooyinkii lasoo dhaafay la sheegay in aad u yaradaeen weeraradii Al Shabaab ka fulin jiree gudaha Kenya.