Al-Shabaab oo burburiyay Xarun Isgaarsiin ku taal deegaan u dhow Gaarisa

0
457

Al-Shabaab oo burburiyay Xarun Isgaarsiin ku taal deegaan u dhow Gaarisa

Sida wararku sheegayaan dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa qaraxyo ku xiran xarunta Isgaarsiin ay laheyd Shirkadda Safaricom.

Xaruntan ayaa waxaa ka taagnaa anteenooyinka Shirkadda ee isku xirayay Isgaarsiinta deegaano hoos-taga magaalada Gaarisa.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Weelmareer oo hoos-taga Ismaamulka Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan Gobolka Waqooyi Bari Kenya, iyadoo labadii todobaad weeraray xarumo boolis, xarun isgaarsiin iyo iskuul ku yaalla, sidoo kale gawaari ayay wadada u galeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here