Al-Shabaab oo afar ruux ku toogatay Shabeelaha Hoose + Magacyada

0
498

Al-Shabaab oo afar ruux ku toogatay Shabeelaha Hoose + Magacyada

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay xukun dil ku fuliyey illaa afar qof oo ay ku eedeeyeen inay ka tirsanaayeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla deegaanka Sablaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Fagaarha lagu toogtay raggaan oo saddex ka mid ah ay askar ahaayeen ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo dadweyne la’isugu yeeray halkaasi.

Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa sheegtay in eedeysanayaasha ay qirteen dambiyadii lagu soo eedeeyay, kadibna lagu fuliyey dilka toogashada ah.

Afarta qof ee la toogtay ayaa ka lahaa:

1: Ayuub Xassan Buraale oo ay sheegeen inuu ka tirsanaa maamulka degaanka Kuntuwaarey, uguna magacaawnaa dhirta iyo daaqa.

2: Xasan Cismaan Cali (Abayle) oo ay Al-Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda ee ka howlgala Baraawe aadna looga yaqaanay degmadaas.

3: Xasan Faarax Maxamad (Gambiye) ayey sidoo kale Al-Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda, islamarkaana ay qabteen,isaga oo ku wajahnaa degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

4: Xuseen Xassan Geelle oo ah ninka afaraad ayaa Al-Shabaab ay sheegeen in uu ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, islamarkaana laga soo qabtay deegaanka Dacaaraha oo u dhow degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dil ka fulisa deegaanada ay ka arrimiso ee koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here