Akhriso War Murtiyeedka laga soo saaray Shirka Guddiga Farsamada ee Baydhabo

0
317

Akhriso War Murtiyeedka laga soo saaray Shirka Guddiga Farsamada ee Baydhabo

Guddiga Farsamada ee ka socday dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee ku shirayay Baydhabo ayaa shaaciyay in xal laga gaaray qodobadii la isku hayay ee caqabada ku ahaa hirgelinta doorashada.

Shirkii guddiga farsamada arrimaha doorashada federaalka ee ku qabsoomay magaalada Baydhaba, kaasi oo ay yeesheen wakiilo kala matalayey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, ayaa heshiis buuxa lagu gaaray, waxaana laga soo saaray war-murtiyeed.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka.

 GUDDIGA FARSAMADA ARRIMAHA DOORASHADA FEDERAALKA: 

 

War-Saxaafadeed

Baydhabo, Febaraayo 16, 2021; Shirka Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashada Federaalka ee ku qabsoomay magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeelgaarka ah ee Koonfur Galbeed 10-16-kii Febaraayo 2021 waxa uu ku soo dhammaaday guul. Guddiga oo ka duulaya mabaadi’da aasaasiga ah ee wadar ogol, isu tanaasul, is qancin iyo tixgalinta xaaladda dalka ayaa si qoto dheer uga dooday qodobbada caqabadda ku ahaa fulinta heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020 iyo duruufaha ku xeeran qabsoomidda doorashooyinka Dawladda Federaalka Soomaaliya. 

Guddigu waxay si gaar ah diiradda u saareen dhiraan-dhirinta farsamada iyo xal u helidda qodobbadan: 

Cabashada laga muujiyey in qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Doorashooyinka aysan waafaqsanayn habraacyada iyo shuruudaha xubinnimo ee Guddiga Doorashooyinka ee lagu qeexay heshiiskii 17-kii Sebteembar 2020, gaar ahaan in ay jiraan xubno ka tirsan Shaqaalaha Rayidka ah iyo Hay’adaha Amniga.

Xal u helidda Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland.

Xaaladda Gobolka Gedo oo la xalliyey.

Adkaynta Qoondada Haweenka

Jadwalka qabsoomidda doorashada

 

Guddigu waxay xal farsamo oo gundhig u noqon kara qabsoomidda doorashada ka gaareen dhammaan qodobadaas kor kuxusan, waxayna Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran u gudbiyeen soo jeedinta guddiga si ay u meel mariyaan. 

Sidoo kale, Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashadu waxay ugu baaqeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran in ay shir isgu yimaaddaan 18 Febaraayo, 2021.

Guddigu waxay u mahadcelinayaan Madaxwayanaha Dawladda iyo shacabka reer Koonfur Galbeed soo dhawaynta iyo martigalinta Guddiga Farsamada.

Guddigu waxay sidoo kale u mahadcelinayaan Beesha Caalamka oo dadaalka joogtada ah ugu jirta sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho loo dhanyahay.

Dhammaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here