Afhayeenka Xamaas: Luuqadda Hanjabaadda ee Trump & Netanyahu waan garaneynaa sida ficil loogu baddelo

0
54

Afhayeenka Xamaas: Luuqadda Hanjabaadda ee Trump & Netanyahu waan garaneynaa sida ficil loogu baddelo

Afhayeenka Xamaas Cabdiladiif Al-Qaanuuc oo ka falceliyay hanjabaadda uga timid Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin dhankooda iska caabbinta cid weliba oo kusoo duusha.

Cabdiladiif ayaa tilmaamay in Donald Trump u baahan yahay waaya-aragnimo iyo waqti uu la qaato ciidamadii ku duulay dhulka falastiin oo ugu dambeyn colaaddii ay xoojinayeen kuso biya shubatay in wadahadal la galo laguna sii daayo Maxaabiista laga heysto Yuhuudda.