Afghanistan & Pakistan oo ku heshiiyay Xabbad-joojin degdeg ah

0
4

Afghanistan & Pakistan oo ku heshiiyay Xabbad-joojin degdeg ah

Wakiillo sare oo ka kala socda Dalalka Afghanistan iyo Pakistan ayaa ku heshiiyay xabbad-joojin degdeg ah si loosoo afjaro dagaallada dhexmaray labadaan Waddan todobaadkii tagay ee sababay cabsi xooggan oo laga qaaday in colaaddu sii kororto.

Qatar oo kaashanayda Turkey ayaa dhexda u xiratay sidii loosoo afjari lahaa, waxaa ugu dambayn labada Dhinac waa Afghanistan & Pakistan lagu qanciyay in xabbadda la joojiyo wixii wadahadal ahna toos loo galo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa sheegtay in heshiiskaan uu u dhacay sidii ay rajaynayeen dalal badan oo danaynaya xabbad-joojinta si looga baaqsado dagaal daba-dheeraada oo dhexmara waddamadaan deriska ah.

Turkiga ayaa sidoo kale bogaadiyay is fahamkaan hordhaca ah, waxaana Xukuumadda Ankara ay ku dhawaaqday in ay dhinac taagan tahay hannaanka geedi socodka nabadda ee labada Dal si xasilooni loo dareemo sida hadalka loo dhigay.

Pakistan ayaa duqeymo xooggan ka fulisay magaalada Kabul ee caasimadda Afghanistan, waxaa xigay weerar culus oo xadka ku dhexmaray ciidamada labada Dal, kaddib waxaa ku baxay Dowladdo ay kamid yihiin Qatar iyo Turkiga oo ugu dambayn xal hordhac ah gaaray.