Faahfaahin: Khasaaraha Duqeyn Diyaaradeed oo Lagu Fuliyey Idaacadii Ururka Al-Shabaab Ee Radio Andalus Oo Duqeyn Lagu Bur-Buriyey

0
850

Faahfaahin: Khasaaraha Duqeyn Diyaaradeed oo Lagu Fuliyey Idaacadii Ururka Al-Shabaab Ee Radio Andalus Oo Duqeyn Lagu Bur-Buriyey

Diyaarado dagaal ayaa xalay saq dhexe waxa ay duqeyn ka geysteen fariisin Ururka Al Shabaab ay ku lahaayeen degmada Jillib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeyntan oo aheyd mid qorsheysan ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay diyaaradaha dagaalka Mareykanka iyo ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Somalida.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in xalay saq dhexe ay maqleen dhawr Gantaal oo lala eegtay saldhigyo ay leeyihiin Mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay sheegeen duqeyntan in lagu burburiyay xarunta Idaacadda Andalus oo ku hadasha afka Al Shabaab, islamarkaana khasaare dhimasho iyo dhaawac lehba lagu gaarsiiyay xubnihii xilligaasi ku sugnaa xarunta.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Jilib ay ku dagaalameen xubno ka tirsan Al Shabaab kadib markii uu soo kala dhexgalay shiki ah in qayb iyaga ka mid ah ay doonayaan inay ku biiraan kooxda Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here