Gaadiidkii xamuulka u rarnaa Qaramada Midoobey ee ku xanibnaa Cadaado oo baaritaan lagu sameeyay

0
529

Gaadiidkii xamuulka u rarnaa Qaramada Midoobey ee ku xanibnaa Cadaado oo baaritaan lagu sameeyay

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in baaritaan lagu sameeyay illaa lix gaari ah xamuul ah oo alaab u siday Qaramada Midoobey, kuna sii jeeday magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Gaadiidkan ayaa 3-dii bishan lagu xayiray magaalada Cadaado, kaddib markii ciidamada ammaanka ay kaga shakiyeen inuu hub sido, waxaana tallaabada lagu xanibay iyo rasaas lagu furay gaadiidkaas cambaareeyay Qaramada Midoobey.

Baaritaan lagu sameeyay gaadiidkan xamuulka ayaa lagu ogaaday inuu siday gaadiid, siligyo lagu xeyndaabo xarumaha iyo agabka lagu sameeyo difaaca carrada ee loo yaqaano (Sand Back).

Saraakiisha ciidamada ammaanka ayaa sheegaya in gaadiidkan markii la baaray laga waayay wax hub ah, waxaana la filayaa in la fasaxo.

Qaramada Midoobey ayaa la filayaa inay xafiisyo ka sameysato magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ah maamulka Galmudug, taasoo qeyb ka noqoneysa xafiisyada QM ku leedahay xarumaha maamul goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here