Madaxweyne Farmaajo Oo Bari Safar Kaga Dhoofi Doona Moqdisho Iyo Halka Uu Ku Sii Jeedo

0
614

Madaxweyne Farmaajo Oo Bari Safar Kaga Dhoofi Doona Moqdisho Iyo Halka Uu Ku Sii Jeedo

Muqdisho (Dalmar-News)-Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalinta berri u safraya magaalada Bahr Dar ee Caasimadda Gobolka Ismaamulka Amxaarada Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Bahr Dar uga qeyb galaya shirka saddex geesoodka ay yeelanayaan Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada ayaa bartiisa Twitter ku soo qoray in Madaxweyne Farmaajo uu berri u safri doono magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya, halkaasoo uga qeyb galayo shirka saddex geesoodka

Shirkan ayaa ah wajigii labaad shirka iskaashiga dhaqaalaha Geeska Afrika, kaasoo daba socda heshiiskii bishii September ee sanadkan ay Asmara ku kala saxiixdeen Madaxda dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya.

Tan iyo markii uu is bedelka ka dhacay Gobolka Geeska Afrika iyo heshiiska lagu soo afjaray colaadii u dhaxeysay dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa Soomaaliya waxay qeyb ka noqotay xulafada labadaas dal oo ay gadaal ka taagan yihiin Isbaheysiga Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

 

Xafiiska Shabakada Dalmarnews.com
Muqdisho/Somalia
Dalmarnews@gmail.com
Cabdiqaadir Jeesto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here