Itoobiya oo qorsheyneysa in ay Saldhig Ciidamada Badda ah ka dhisato Badda Cas iyo Badweynta Hindiya

0
628

Itoobiya oo qorsheyneysa in ay Saldhig Ciidamada Badda ah ka dhisato Badda Cas iyo Badweynta Hindiya

Taliye ku xigeenka ciidamada Ethiopia General Berhanu Jula ayaa sheegay in dowladiisu ay qorsheyneyso inay ka dhisato saldhig milatari oo ciidamada badda ah  Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Isagoo la hadlayay saxaafada dalka Itoobiya ayuu sheegay Janankan in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ay ka go’an tahay in Itoobiya ay dhisato ciidamo xoog leh oo ku wa badda ah kuna hubeysan qalab casri ah .

General Berhanu ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay dal weyn ayna haysato ciidamada ugu xoogga badan ee qaarada Afrika,sidaa darteedna uu hogaamiyaha dalkaasi uu qorsheynayo dhismaha ciidamada badda.

“Inkastoo aan lahayn dhul badda ku dhegen balse waxaan aad ugu dhow nahay Badda cas iyo Badweynta Hindiya, hadda waxaan aragnay in ay jiraan wadamo jecel in aan ka dhisano saldhigyo ciidamada Badda ah  gudaha dalalka Somalia,Djibouti, Puntland iyo Eritrea saldhigana waxaan ka dhisi karnaa meel ka fog xeebta illaa 60km.”ayuu yiri General Berhanu.

General Berhanu ayaa intaa ku daray in ay si aad ah u daneynayaan Badda Cas maadaama ay wax ka soo degsadaan kana dhoofsadaan.

“Waxaan kala tashaneynaa wadamada kale dhismaha iyo awooda uu ciidanku yeelanayo,wadamada kulaala Badda Cas iyo Badweynta Hindiya waxay siiyaan saldhigyo ciidamada badda ah dalal kale, sidaa darted waa go’aan istiraatiiji ah in ay Itoobiya ay sameysato ciidamo xoog leh oo kuwa badda  ah.”ayuu  yiri Jananka.

Warkan ka soo yeeray taliye ku xigeenka ciidamada Itoobiya ayaa intaa ku daray in aysan ahayn mid la qaadan karo in Itoobiya oo shacabkeedu Boqol malyan gaarayo aysan lahayn ciidamo bad balse wadamo kale oo meel fog ka imanayo ay gobolka ku yeeshaan saldhigyo ciidan.

Tan iyo sanadkii 1991dii oo ay Eritrea ka go’oday wadanka Itoobiya ma jirin ciidamo Itoobiyaan ah oo ah ciidamada Badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here