Qodobada Looga Hadlayo Kulanka Maanta Ee Golaha Shacabka
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalita oo Arbaco ah taariikhduna ku beegan tahay 3-da bisha Octoober 2018, kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah sii wadista dooda ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka kaas oo Maalintii Isniinta aheyd ee la soo dhaafay ay siweyn uga doodeen Xildhibaanada.
Ajandaha Maanta ee ku saabsan dib u eegista xeer hoosaadka Golaha Shacabka ayaa doodiisu waxa ay bilaabatay Maalintii Sabtida aheyd ee todobaadkii la soo dhaafay,iyada oo dooda ajandahaan ay tahay mid aad u dheeraatay.
Dadka dhinaca Siyaasada indha-indheeya ayaa aaminsan in ajandaha Baarlamaanka haatan horyaalla oo ay doodiisu aocoto uu yahay mid lagu mashquulinayo Xildhibaanada.