Wednesday, November 11, 2026
Home WARAR Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyay sababta uu uga guuray Ballidoogle.

Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyay sababta uu uga guuray Ballidoogle.

0
16

Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyay sababta uu uga guuray Ballidoogle.

Taliska Howlgallada Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta ay ciidankooda uga soo rareen Garoonka Diyaaradaha ee ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee Ballidoogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Taliye ku xigeen Taliska AFRICOM, Gen. John Brennan ayaa xaqiijiyay in ciidankooda loo soo wareejiyay Magaalada Muqdisho kaddib burbur soo gaaray qaybta diyaaradaha ay ku ordaan ee Garoonka Ballidoogle maadaama muddo dheer uusan helin dayactir.

Dhaqaalaha ku baxaya waxa uu ku sheegay in ay tahay tobanneeyo Milyan oo Doollar inkasta oo uusan sheegin in ay dhisayaan oo dib ugu noqonayaan Garoonka Ballidoogle iyo in ay ka maqnaan doonnaan oo Dowladda Federaalka ay raadinayso cidda ay kala kaashanayso.

Waxyaabaha uu iftiimiyay waxa ay u baaham yahay dhaqaale, waxaana uu si dadban u muujiyay in ay u baahan yihiin dib u dayactirka waddada ay ku ordaan Diyaaradaha marka ay fulinayaan howlgallada duqaymaha ah.

Ballidoogle in uu yahay Talis Ciidan waxaa u dheer in lagu tababaro Ciidamada Kumaandooska Danab, Diyaaradaha Maraykanka gaar ahaan kuwa aan qumaatiga u kicin ayaa u baahan dhabbe ay ku ordaan waa marka ay duullaan iyo marka ay ka degayaan.

Hadalkaan waxa uu meesha ka saarayaa warar la baahiyay oo la xiriiray in Maraykanka uu gabi ahaan ciidankiisa kala baxay Soomaaliya iyo kuwo kale oo muujinaya culayska dhinaca Amniga, waxa uu AFRICOM xusay in uu sii soconayo howlgallada iyada oo diyaaradaha wax duqeeya ay saldhig ka dhigteen Muqdisho.