Wednesday, November 11, 2026
Home WARAR Iiraan oo soo bandhigtay Haween ay u tababartay difaaca Dalkooda

Iiraan oo soo bandhigtay Haween ay u tababartay difaaca Dalkooda

0
48

Iiraan oo soo bandhigtay Haween ay u tababartay difaaca Dalkooda

Dowladda Iiraan ayaa fagaaraha Azadi ee Magaalada Tehran kusoo bandhigtay Haween si iskood ah isugu xilqaamay inay u tababartaan Difaaca Dalka waa haddii dagaal Dhulka ah uu kusoo qaado cadawgooda sida hadalka loo dhigay.

Tiro Haween ah oo wata qoryaha fudud gaar ahaan AK47 ayaa bandhigga kasoo muuqday, waxaana ay ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah Maraykanka iyo Israa’iil oo ah cadowgooda ugu horreeya ee duullaanka ku ah sida ay hadalka u dhigeen.

Xeradaan lagu tababaray Haweenkaan ayaa ah xeradii ugu horraysay ee Dumar lagu tababarayo maadaama Haweenku ay ka reebnaayeen kamid noqoshada adeegga Militariga ee lagu difaacayo dalkooda waa sida lagu muujiyay warbixinta laga soo duubay xaruntaas tababarka.

Hoggaanka sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga Iiraan ayaa sheegay in adeegga Ciidan la siinayo qof weliba si uu qayb uga qaato difaaca dalkiisa oo haddii loo baahdo ka qaybgali kara dagaallada ku socda ee dhowrka jiho uga imaanaya waa sida warka loo dhigay.