Wednesday, November 11, 2026
Home WARAR Koofur Afrika oo xirtay Dad la sheegay in ay u tahriibayeen Ruushka

Koofur Afrika oo xirtay Dad la sheegay in ay u tahriibayeen Ruushka

0
41

Koofur Afrika oo xirtay Dad la sheegay in ay u tahriibayeen Ruushka

Booliiska Koofur Afrika ayaa xiray 9 qof oo ajaanib ah oo dalkaas u tagtay inay uga sii tahriibaan si ay ugu biiraan Kooxaha Calooshood u shaqaystayaasha ah ee dagaalka kula jira Ciidanka Ukraine sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Dowladda.

Dadkaan la qabtay oo xogtooda la helay ayaa lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Johannesburg iyo Hotel ku yaalla isla magaaladaas sida lagu xusay warbixinta hordhaca ah ee kiiskaan laga soo gudbiyay.

Dalal badan oo Afrika ah waxaa ka jira xaalad ka dhalatay Tahriibinta Dhallinyarada loo dagaal geeyo Jamhuuriyadda Federaalka Ruushka iyada oo dadkaas lagu soo jiidanayo in la siinayo shaqooyin dhaqaale badan lagu helayo kaddib marka ay tagaan Raashiya la askareeyo.

Warbaahinta Gudaha Koofur Afrika ayaa ku warrantay in sagaalka qof ee tahriibka Ruushka ugu socday ay u dhasheen Zimbabwe kuwaas oo la maxkamayn doonno iyada oo lala kaashanaya Dowladdooda waa haddii ay aqbasho u hoggaansamidda xukunka maxkamadeed ee ku dhaca.