Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay naqshadda cusub ee Baasaboorka dalka maadaama ay xubin rasmi ah ka noqotay Dalladda Bulshada Bariga Afrika EAC oo ay ku midaysan yihiin Dalal badan oo Afrika dhaca.
Naqshadda cusub ee Baasaboorka waxaa kor looga qoray East African Community oo loola jeedo Bulshada Bariga Afrika waana mid si rasmi ah u muujinaya xubinnimada Soomaaliya ee Dalladaas.
Waxaa jira Su’aalo badan oo la hordhigay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda sida waqtiga uu soo baxayo ama la qaadan karo, inta sano uu ku dhacaayo iyo kuwo balse kama jawaabin su’aalahaas.
Wararka la helayo ayaa sheegayaa in bixinta Baasaboorka cusub la billaabayo billowga sannadka soo socda 2027 iyada oo si rasmi ah loogu dhawaaqi doonno in baasaboorkaan cusub la siinayo dadka dalbada inkasta oo aan la ogayn lacaga laga heli karo oo Dowladda Federaalka laga sugayo in ay shaaciso.
La soco wixii kasoo kordha























