Askari katirsan Ciidanka Dowladda oo Darawal ku dilay Magaalada Muqdisho

0
88

Askari katirsan Ciidanka Dowladda oo Darawal ku dilay Magaalada Muqdisho

Askari katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay Carab Cali oo ahaa Wade gaari nooca loo yaqaan Toyota Landcruiser oo loo garan ogyahay (Leyla Calaawi).

Gaariga uu Marxuumka waday ayaa kamid ah Gawaarida isaga kala gudba Magaalada Muqdisho iyo Gobollada Dhexe ee Dalka, Sida ay sheegeen ilo kala duwan, Dilka waxa uu ka dhashay muran la xiriira lacag uu askariga ka qaadi rabay Gaarigaan.

Askariga Dilka gaystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana socda baaris lagu raadinayo si gacanta loogu soo dhigo sida ay sheegeen ilo kala duwan, halka uu dilka ka dhacay waxaa gaaray ciidamo katirsan kuwa ammaanka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.